Friday, 29 November 2024

WAX KA OGOW HORMARKA ISGAARSIINTA DALKA

1) 57% dadka ku nool aduunka oo u dhiganta (4.6 Bilyan) ayaa isticmaala Mobile Internet, hadii aad ka mid tahay dadkaas ilaahey ku xamdi ugana faa'iideyso wax ku anfaca aakhiradaada iyo aduunkaba, Isla markaana u mahadceli shirkadaha Isgaarsiinta dalka ee kaa haqabtiray baahidaas.
2) 43% dadka ku nool aduunka oo u dhiganta (3 Bilyan) ma isticmaalaan Mobile Internet, 38% ka mid ah dadka aan adeegsan mobile internet waxey ku noolyihiin deegaano laga helo isgaarsiinta, halka 5% dadka aduunka oo u dhiganta ( 400 Milyan ) aysan heysan adeega Isgaarsiinta.
3) Sanadkii 2022, dad gaaraya 200 milyan ayaa bilaabay isticmaalka Mobile Internet halka sanadahii ka horeeyay 2020 iyo 2021 eey kusoo biireen 300 milyan isticmaalka Internetka.
4) Xogta ey diyaarisay GSMA waxaa lagu sheegay in kabadan afar meelood sadex (3/4) kobaca isticmaalka internka aduunka in uu ka yimid wadamada soo koraya ee la isku yiraahdo wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo dhexdhexaadka (low- and middle-income countries -LMICs). Soomaaliya waxey ka mid tahay wadamaas. (F.S: 1-aad),
5) Sida ka muuqata (F.S: 2-aad), wadamada ka hooseeya saxaraha Africa (Sub-Saharan Africa) waxey sameeyeen hormar dhanka isgaarsiinta, Soomaaliya waxey kaalin weyn uga jirtaa wadamadaas. Waxaa ku amaaneynaa shirkadaha Isgaarsiinta dalka dadaalka ey u galeen in Soomaaliya ey ka mid noqoto wadamada ugu horeeya Isgaarsiinta Afrika.
F.G: si aad xog dheeraad ah u hesho waxaad ka aqrisan kartaa Linkiga:-
https://www.gsma.com/.../The-State-of-Mobile-Internet...























F.S: 1-aad

F.S: 2-aad